Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Bam oo ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Baar ku yaalla xaafadda Silliga ee Baydhaba,waxaana la sheegay in lagu tuuray goob ay fariisan jireen Ciidamaddda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawcamay qaraxa Bamka kaasoo loo qaaday isbitaalka Magaaladda Baydhabo,waxaana goobta gaaray Ciidamada amniga magaalada oo baaritaan ka sameeyay.

