Shabaab oo Sheegay in ay Dhaawaceen Tubaakaweyne, 11-askarina ay Dileen

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa shalay ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Qalimoow iyo Gololeey, ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Miino loo dhigay gaari dagaal uu la socday Jeneral Ibraahim Yuusuf oo ku magac dheer (Tubaakaweyne) Taliyaha Guutada Koowaad Ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa lala eegtay Gaariga dagaal ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 11-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Taliye Tubaakaweyne.

Tubaaka weyne ayaa Dowladda ugu magacaaban Taliyaha guutada 1-aad ee melleteriga, sarkaalkaan ayaa usoo joogay sida Shabaab ay sheegeen weeraro ka dhacay Degmadda Balcad, waxaana la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay dagaalo sanado ka hor ka dhacay deegaannada dhaca xeebaha Bari ee Shabeelaha dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here