Al shabaab Oo Shaaciyay Cida Lala Beegsaday 2 Qarax Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Al shabaab ayaa war kasoo saartay qaraxyo miinooyinka dhulka lagu aaso ahaa oo ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxa Kowaad waxa uu ka dhacay wadada ka Leexata Janaraal Daa’uud ee aada dhanka Daara Salaam waxaa qaraxan lala beegsaday Gaari Runeed ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

“Qaraxa ayaa helay gaariga waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii la socotay, sida lagu yiri wark kasoo baxay Xarakada Al shabaab.

Qaraxa 2-aad ayaa waxa uu ka dhacay isla wadada waxaana lala beegsaday Gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen xubno katirsan dowladda kuwaasi oo gurmad u ahaa askarta qaraxa hore lala beegsaday.

“Qaraxaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo wajahday askartii dowladda ee la socotay gaariga Cabdi Bilaha” ayaa lagu yiri warka Al shabaab.

Wali wax war ah kama soo bixin maamulka Yaaqshid oo ku aadan qaraxyada ka dhacay degmadaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here