Warar kal duwan ayaa laga helayaa laba qarax oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.
Labada qarax ayaa waxaa ay ka dhaceen Wadada aadda Xaafada Daaru-salaam agagaarka Buundada ee ka soo horjeedda school iftin oo ku yaal gudaha magaalo madaxda Soomaaliya.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in 2 qarax ay u ekaayeen kuwa la doonayay in lagu birtil-maameedsado 2 gaari oo kala ahaa Surf Iyo Carib oo halkaasi marayay.
Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi oo ahaa kuwa miinooyinka dhulka lagu aaso, sido kale gadiidka lala doonayay qaraxyadaasi wax khasaaraha sooma gaarin.
Wali majirto cid sheegatay labadaasi qarax
Maamulka degmada Yaaqshid oo Simba xiriiro la sameysay ayaa ka gaabsaday.
Waxii Kusoo Kordha Goordhaw La Soco

