War goordhaw naga soo gaaray gudaha magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Militaryga dowladda ay la wareegeen guud ahaan degmada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo ku sugan gobalka Hiiraan ayaa Simba u sheegay in ciidamo katirsan militaryga dowladda ay goordhaw la wareegeen Suuqyada Xoolaha iyo Yoobsan ee degmada iyo Buundada liiq-liiqato oo isku xirta galbeedka iyo bariga xaafadaha magaalada baladweyne ee G/Hiiraan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in wali ciidamada ay ku sugan yihiin halkaasi, kuwaa oo gadiidka dadweynaha qaarkii u diidaya socodka laamiyada muhiimka ee Magaalada Baladweyne.
Waxii kusoo kordha waan idinka wadaagi doonaa oo la xiriira ciidamada katirsan Xooga dalka ee goordhaw la wareegay wadooyinka iyo suuqyada muhiimka ee magaalada baladweyne ee G/Hiiraan.
Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Warkan
Barta Facebook: Radio Simba

