Faah faahin: Siciid Cabdi Oo Lagu Toogtay Magaalada iyo howlgal ka socdo Halkaasi

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay lagu weeraray masuul katirsan Puntland.

Kooxo hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ku weeraray Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare ee Puntland, oo lagu magacaabo Siciid Cabdi Muumin.

Dableyda weerarka qaaday ayaa garsooraha ka toogtay qeybaha dhaxe ee jirkiisa, waxaana loola cararay xarumaha caafimaad ee maagaalada, si loogu dhabiibo xaalada caafimaad ee garsoorahaasi.

Wararkii ugu danbeeyay saakay ayaa ku waramaya garsoore Siciid Cabdi Muumin, xaaladiisa caafimaad in ay kasoo reeyneyso kadib markii uu ka bad baaday toogasho loogu geystay magaalada Boosaaso.

Dhanka kale Ciidamada Amaanka Boosaaso ee gobalka bari ayaa saakay lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada, kuwaa oo sameynaya baaritaano la xiriira cida ka danbeysay weerar lagu qaaday Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare ee ee maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here