Axmed Nuux oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Askari La Dhaawacay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa askar ka tirsan ciidamadda dowladda soomaaliya oo caawa lagu weeraray magaaladda Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay Xaafada Fagax degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa weeraray labo askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda soomaaliya xili ay fadhiyeen Maqaaxi ku taalla agagaarka Isgoyska Fagax.

Weerarka waxaa ku dhintay askari lagu Magacaabi jiray Axmed Nuux,halka mid kale lagu dhaawacay.

Kooxii ka dambeeyay weerarka ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta soo gaaray ciidamadda amaanka dowladda soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here