Akhriso:-Dowladda Ethopia oo Shidaal Kasoo Saaraysa Dhul Soomaali Leedahay

0

Jamhadda ONLF ayaa ku eedeysay Dowladda Ethopia in ay shidaal Sharcidaro ah kasoo Saarayso Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Afhayeenka Jamhadda ONLF C/qaadir Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in Talaabadda ay qaaday Ethopia ay dhabar jab ku tahay Soomaaliya,islamarkaana hadii ay sii socoto ay usoo gudbin doonto soomaaliya inteeda kale.

Sidoo kale Afhayeen Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in shirkaddo laga leeyahay shiinaha ay Ethopia gacan ku siinayaan shidaal soo saarista.

“Anagu Itoobi kama mid nihin, dhaqaalaheeda lama lihin, siyaasadda Itoobiya waxba kuma lihin, dad la haystaan nahay qoribaana lagu qabsaday walina waan diidanayn oo iska caabin baan wadnay waana sii wadi doonnaa, hantida shacbi Soomaaliyeed baa iska leh Itoobiyana ma laha” ayuu yiri Hirmooge Cadaani.

Dawladda Itoobiya ayaa markii u horraysay shidaal tijaabo ah ka soo saartay deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’iisulwasaaraha Ethopia Abiy Axmed oo arrintaas ka hadlayana wuxuu sheegay in maalinkaste la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here