Madaxda Dowladda oo Faragalin Ku Haysa Howlaha Baarlamaanka Soomaaliya+Dhageyso

0

Xildhibaan Pro Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeen u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay wali jirto faragalinta ay Madaxda Dowladda Soomaaliya  ku hayeen Howlaha Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana fasaxa dheer ee uu Baarlamanka galay ay cadeen  u tahay faragalinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in awal Xildhibaanadda la fasixi jiray labo bilood wax ka yar balse haatan ay muuqato in fasaxa loo kordhiyay.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore waxaa lagu eedeeyay in ay faragalin ku hayaan howlaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Khilaafkii u dhaxeeyay hay’adaha Fulinta iyo Sharcidajinta oo muddo soo jiitamayay waxaa markii dambe isku casilay Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here