War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Lala Eegtay Gudoomiyaha Deegaanka Lafoole

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee Duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax miino goordhaweyd lala eegtay gaari ay la socotay Gudoomiyaha deegaankaas Ayaan Xasan Xaaji.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ku aasnaa Wadada Dhinaceeda deegaanka Siinka dheer ee Duleedka magaaladda Muqdisho.

Jugt qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay xaafadaha deegaanka lafoole.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 1-askari oo ka tirsanaa Ciidamadii ilaaladda u ahaa Gudoomiyaha.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacantay Gudoomiyaha deegaanka Lafoole Ayaan Xasan Xaaji, iyo labo askari oo ilaaladeeda ahaa.

ayaan ayaa la sheegay in qaraxa uu ka sameeyay dhanka Caloosha sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.

Dhaawaca Gudoomiyaha iyo askarta ayaa loosoo qaaday isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho

Wixii faah-faahin kala soco Simbanews.com

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here