Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in fargalin lagu hayo Howlaha Golaha Shacabka Soomaaliya taasi oo ka hor imaanaysa Dastuurka iyo Xeerarka uyaal Dalka.
Prof Dalxa ayaa Sheegay Wararka Sheega in 4-bilood laga dhigay Fasaxa Baarlamaanka ay muujinayaan in fargalin Sharci daro ah lagu hayo Howlaha Baarlamaanka arintaasi oo ay ku lug leeyihiin Madaxda sare ee Dowladda si aan loogu la Xisaabtamin howlaha ay Qaranka ay u hayaan.
Dhanka kale Xildhibaan ayaa Sheegay in Cadaalad daro ay ku yimaadeen Taliyaasha dhawaan loo magacaabay Saldhigyada Ciidamada,waxaa uuna Xusay in lagu soo Xulay nin jeclaysi.
Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Oo Dhameystiran

