Dowladda Farmaajo Oo Ka Been Abuuratay Sii Deynta Qalbi Dhagax (Xog Dhameystiran)

0

Xili dowladda Itoopiya ay sii deysay Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa waxaa isa soo taraya cida ka danbeysay sii deyntiisa ma dowladda Soomaaliya mise Raisal wasaaraha Itoopiya Abi Ahmed.

Taageerayaasha dowladda Soomaaliya ayaa baraha bulshada ay ku kulanto waxa ay ku baahiyeen, in dowladda madaxweyne farmaajo ay kaalin weyn ka qaadatay sii deynta C/Kariim Sh Muuse Qalbi Dhagax oo shalay sawiro laga soo qaaday isaga iyo qaraabadiisa oo wada faraxsan lagu arkayay baraha Bulshada.

Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo ah Suldaanka guud ee beesha Qalbi Dhagax uu kasoo jeedo oo la hadlay warbaahinta ayaaa cadeeyay cida ka danbeysay sii deynta C/kariim, suldaanka ayaa sheegay in lagu sii daayay Qalbi Dhagax  amarka Ra’isal wasaaraha Itoopiya Abi Ahmed.

Suldaan Fowzi ayaa intaa ku daray in wax fududeyn xitaa dowladda Soomaaliya aysan ku laheen sii deynta Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay markii loo gacan galinayay Itoopiya inuu katirsan yahay ururu Argagaxiso oo ka qeyb ah ururada Xagjiriinta caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore dowladda Itoopiya u afduubtay oo u gacan galisay sarkaal Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo katirsan xubnaha ugu sareeya Jabhadda Xureynta Soomaali Galbeed ee ONLF oo markii danbe maalintii shalay aheyd dowladda Itoopiya iskeed ay xuriyadiisa dib u siisay.

Bayaan kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya maalmo kadib dowladda Itoopiya markii loo afduubay oo gacantooda uu galay sarkaal Qalbi Dhagax, waxey sheegtay in dowladaha Itoopiya iyo Soomaaliya is fahan dhax maray C/kariin lagu dhiibay, maadaama uu katirsan yahay Urur Argagaxiso, sido kale Xukuumada Soomaaliya ayaa Jabhadda ONLF u aqoonsatay Ururu Argagaxiso, halka dowladda Itoopiya oo dagaal uu ka dhaxeeyo Jabhadda ONLF ay u aqoonsan tahay Jabhadda siyaasad u dirir ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sido kale war kasoo saaray kadib markii ay soo shaac baxeen wararka shegaya in dowladda Itoopiya lagu wareejiyay askari hore oo katirsanaa ciidamada qaranka Soomaaliya, hadana kamid ah xubnaha ugu sareeya  Jabhadda Xureynta Soomaali Galbeed ee ONLF.

Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Qiyaano Qaran ay tahay in muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool dalkiisa in loo gacan galiyo dowladd kale oo Ajbanbi ah, cid walba oo gacan ka geysatay gacan galintiisana in qalad weyn ay ka gashay shacabka Soomaaliyeed.

Taageerayaasha dowladda Soomaaliya ee isticmaala “Social media” iyo warbaahinada qaar ee lacagaha lagu siiyo baahinta wararka lagu taageerayo dowladda Soomaaliya ayaa soo suuq galiyay in dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ku laheyd sii deynta Cabdikariin sh Muuse Qalbi Dhagax oo Itoopiya shalay u fidisay cafis si uu kaga qeyb qaato fududeynta wada hadalo dhax mara Jabhadda ONLF iyo Itoopiya.

Su’aasha ayaa ah xukuumada Soomaaliya ee shalay ku tilmaamtay in Qalbi dhagax uu kamid yahay Ururu Argagaxiso, Jabhadda Xureynta Soomaali Galbeed ee ONLF-na ay tahay mid gacan saar laleh Alqaacidda, sidee hada dowladda Soomaliya loo dhihi karaa sii deyn iska daaye xitaa dowladda Itoopiya ayey kala hadashay sii deynta Cabdikariin Sheikh Muuse Qalbi Dhagax.?

Jabhadda Xureynta Soomaali Galbeed ee ONLF ayaa ah Jabhad u dagaalanta ama halgan dheer sanado badan ugu jirta in dhulka Soomaali Galbeed ee hada lagu tiriyo in dowladda Itooiya ay leedahay uu ka xuroobo maamulkaas ama xuriyadiisa dib loo siiyo sidiisii hore oo la hoos geeyo D/dhaxe ee Soomaaliya.

 

Facebook RADIO SIMBA   www.simbanews.com

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here