Askar Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka Idaacada Simba ay ka heleyso degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in askari lagu dilay Isgoyska Afarta-Darjiino ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay Askarta la dilay iney gaarayaan ilaa laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada oo ku sugnaa Isgoyska Afarta-Darjiino .

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay kuwaasi oo qaaday meydadka labada askari ee maanta lagu dilay Isgoyska Afarta-Darjiino degmada Yaaqshid ee Gobalka Banaadir.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Yaaqshid ayaa sheegay in weerar lagu qaaday askari ku sugneyd agagaarka Isgoyska Afarta-Darjiino  ee Magaalada Muqdisho, balse sarkaalka ayaa sheegay in goobta lagu dilay labo askari Ciidamada Minashiibiyada kamid ahaa.

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada dilka labadaasi askari katirsanaa ciidamada Cashuurta qaada.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in ciidamada dowladda gaar ahaan laamaha amniga ee goobta gaaray ay halkaasi ka wateen dhowr ruux oo dhalinyaro ah kuwa oo looga shakiyay iney fududeeyeen ama ay ka danbeeyeen askarta lagu dilay maanta gudaha degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here