Wararkii ugu danbeeyay dab khasaare dhaliyay oo maanta ka kacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in 15 qof ay ku dhinteen halka 70 kalana ay ku dhaawacmeen.
Kooxaha bad baadada musiibooyinka Kenya xiray dhamaan aaga dhabka uu ka kacay waxeyna ku howlan yihiin samata bixinta hantida iyo dadka ku go,doonsan dabka ka kacay suuq ku yaal magaalada Nairobi.
Inta la xaqiijiyay geerida ilaa hada ayaa waxaa lagu kala sheegay 15 ilaa 22 ruux oo oo u badan dadkii ku dhax jiray goobahooda ganacsi iyo dad ku hoos jira guryo halkaasi ku bur buray.
Wali Waxaa Socda Bad Baadinta Dad Lagu La Yahay Dab Ka Kacay Gudaha Nairobi.




