War Deg Deg Ah:- Toogasho Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

0

War goordhaw soo gaaray  Idaacada Simba ayaa sheegay in Isgoyska Siinaay ee  u dhexeeya degmooyinka Yaaqshid iyo Warta Nabadda lagu dilay askari katirsanaa ciidanka dowladda.

Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay askari ku toogteen isgoyska Siinaay, dilka kadib dadka deegaanka ayaa sheegay in goobta ay isaga baxsadeen kooxihii dilka geystay oo horay u qaatay qoray-gii uu watay askariga la dilay.

Masuul katirsan Maamulka degmada Yaaqshid  oo la hadlay  idaacada Simba ayaa xaqiijiyay in ruux ku hubeysan bastoolad uu askari katirsanaa ciidanka booliska ku dilay isgoyska Siinaay ee Muqdisho.

Majirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilka askariga katirsanaa ciidamada Booliska dowladda.

Waxii Kusoo Kordha Waa Idinla Wadaagi Doonaa www.simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here