War goordhaw soo gaaray Idaacada Simba ayaa sheegay in Isgoyska Siinaay ee u dhexeeya degmooyinka Yaaqshid iyo Warta Nabadda lagu dilay askari katirsanaa ciidanka dowladda.
Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay askari ku toogteen isgoyska Siinaay, dilka kadib dadka deegaanka ayaa sheegay in goobta ay isaga baxsadeen kooxihii dilka geystay oo horay u qaatay qoray-gii uu watay askariga la dilay.
Masuul katirsan Maamulka degmada Yaaqshid oo la hadlay idaacada Simba ayaa xaqiijiyay in ruux ku hubeysan bastoolad uu askari katirsanaa ciidanka booliska ku dilay isgoyska Siinaay ee Muqdisho.
Majirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilka askariga katirsanaa ciidamada Booliska dowladda.
Waxii Kusoo Kordha Waa Idinla Wadaagi Doonaa www.simbanews.com

