Nabadoon Dacar Xirsi oo ah Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan laga Hor istaagi Karin in ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliid Ugaas Rooble lagu aaso deeganka Daar Ugaas,
Deeganka Daar Ugaas ayaa qiyaastii 80-km dhanka Koonfur kaga beegan Magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa xiligaan ka arimiya Maamulka xarakada al-shabaab .
Shalay ayay aheyd markii Magaalada Beledweyne uu ku geeriyooday ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliid Ugaas Rooble oo kamid ahaa dadka ugu caansan Gobolka Hiiraan ee Bartmaha dhulka soomaliya

