Dhageyso:- Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ku Hanjabay in Ugaas C/raxmaan lagu aasayo deeganka Daar Ugaas,

0

Nabadoon Dacar Xirsi oo ah Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in aan laga Hor istaagi Karin in ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliid Ugaas Rooble lagu aaso deeganka Daar Ugaas,

Deeganka  Daar Ugaas ayaa  qiyaastii 80-km dhanka Koonfur  kaga beegan Magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  waxaa xiligaan ka arimiya Maamulka xarakada al-shabaab .

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Beledweyne uu ku geeriyooday ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliid Ugaas Rooble oo kamid ahaa dadka ugu caansan Gobolka Hiiraan ee Bartmaha dhulka soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here