Maxaa Ka Jira In Shirkii Amniga Baydhabo Puntland Lagu Siiyay Hub Ay Kula Dagaalanto Somaliland (Dhageyso)

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee ucid Faysal cali waraabe ayaa sheegay in shirkii golaha Amniga qaranka Soomaaliya ee ka dhacay Magaalada baydhabo in laga soo saaray qodobo lidi ku ah amaanka iyo xasiloonida deegaanada iyo degmooyinka Somaaliland.

Faysal cali waraabe ayaa sido kale sheegay in shirkaasi taageero hub lagula dagaalamo Somaliland loogu raadinayay ciidanka maamul gobaleedka Puntland ee dagaalka kula jira  Somaaliland.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee ucid Faysal cali waraabe oo sii hadlayay ayaa sheegay in Somaliland markasta ay feejignaan ku jirto si ay uga jawaabto dhaqdhaqaayadda walba oo ciidan ee kaga imaada dowladd gobaleedka puntland ee Soomaaliya.

Halka Hoose Ka Dhageyso: Codka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here