Duqa Muqdisho Oo Dowladda Talyaaniga Kala Wareegay Qalab Casri Ah (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socotay qeybta Mashaariicda Rayidka ah ee Dawladda Talyaaniga.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in agabka ay kala wareegeen Talyaaniga uu yahay mid casri ah oo gacan ka geysanaya Dabdamiska Caasimadda, waxuna xusay in maamulkiisu uu mudnaan dhow siinayo sidii adeegyada dabdamisku u noqon lahaayeen kuwa dhameystiran oo dabooli kara baahida shacabka.

“Waxaan uga mahadceliyaa Saraakiisha ka socota Qeybta Mashaariicda Rayidka ah ee Dawladda Talyaaniga oo maanta noogu yimid xarunta Dawladda Hoose, si ay noogu wareejiyaan agabkan casriga ah ee lagu horumarinayo Dabdamiska Caasimada, tani waa bilow waxaana rajeynayaa in waqtiyada dhow ay sii socon donto kaalmada ay siinayaan shacabka Somaliyed ee Casimadda”Ayuu yiri EngYarisow

Dhinaca kale, Sarkaalka ugu sareeya qeybta mashaariicda rayidka ee Talyaaniga ayaa xusay ujeedka qalabkan ay u keeneen inuu yahay sidii shacabka Caasimaddu ay uga caawin lahaayeen baahidooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here