Wararka Simba ay ka heleyso magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in safar aan hore loo shaacin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf uu ku tagey Puntland.
Masuuliyiin katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in madaxweyne xaaf uu ku sugan yahay madaxtooyada magaalada Garoowe, halkaasi uu kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, balse aan la ogeen waxa ay ka wada hadleen labada madaxweyne.
Safarka madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaya xili khilaaf xoogan uu ka dhax taagan yahay madaxda ugu sareysa maamulka galmudug.
Lama oga mowqifka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf waxa uu noqon doono, maadaama laga wada dharag san yahay, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhaxe uusan wanaagsaneen mudooyinkii ugu danbeeyay.
Madaxda maamullada ayaa shir isugu imaan doona magaalada Baydhabo kaasoo ay kasoo qaybgali doonto dowladda dhaxe ee Soomaaliya.
Kulankaas waxaa looga hadli doonaa amniga sida GO u xaqiijiyeen saraakiil xog ogoaal ah.
Todobaadkii hadda ina dhaafay waxaa magaalada Nairobi isugu tagay madaxda saddex maamul iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka,
waxaana baaqday shir hoose oo dhexmari lahaa Farmaajo, Shariif Xasan, Waare iyo Axmed Madoobe.

