Deg Deg:- Is Rasaaseyn Ka Dhacday Muqdisho Iyo Askar Ka Tirsanaa Guutada 4-aad Oo Lagu Dilay

0

War goordhaw naga soo gaaray gudaha degmada Dharkenley ayaa sheegaya in is rasaaseyn khasaare nafeed geysatay ay ku dhax martay gudaha degmadaasi ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjooge ku sugan xaafada xoosh ee degmada  Dharkenley oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in laba askari ee ku hubeysnaa qoryaha AK47 ay ciidamada xasilinta ku amreen iney maraan baaritaan, balse waa ay ka biya diideen oo waxii xiligaa ka danbeeyay waxaa dhax martay labada dhinac is rasaaseyn kooban, oo sababtay dhimashada laba askari oo katirsanaa Military-ga Soomaaliya.

Ila la ogyahay waxaa is rasaaseynta ku dhintay labada askari, oo tacsiirada ay dhax martay ciidanka xasilinta caasimada ee degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir.

Labada askari ee la dilay ayaa katirsanaa Guutada 4-aad ee ciidanka military-ga dowladda Soomaaliya, isku dhaca ay ku geeriyoodeen askartaasi ayaa la sheegay inuu sabab u ahaa, kadib markii ay hal wada ku wada kulmeen ciidanka xasilinta oo halkaasi ka sameynayay howlgal.

Daqiiqado kadib goobta waxaa gaaray ciidamo katirsan dowladda oo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan waxa dhacay iyo sababta ka danbeysay in ciidamo military ah lagu dilo gudaha degmadaasi

Maamulka degmada Dharkenley oo xiriiro aynu la sameynaya ayaa xaqiijiyay jiritaanka in is rasaaseyn ay ka dhacday xaafada xoosh ee degmadaasi,balse ay ka gaabsadeen wax faah faahin iney ka bixiyaan..

Waxii Kusoo Kordha Warkaasi Kala Soco www.simbanews.net

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here