Dowlada sacuudiga ayaa maanta oo sabti ah dishay 47 ruux oo ah dadka shiicada ee kunoolaa dalkaasi.
Dowlada sacudiga saraakiil u hadashay ayaa sheegay in dadkaani ay ahaayeen argagixiso Qatar ku ah amaanka dalka sacuudiga. madaama sacuudiga uu hogaamiyo isbahaysiga dagaalka kula jira kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta wadanka yemen .
Dhanka kale Dadka ay dowlada Sacuudiga Maanta dishay waxaa ku jira wadaad caan ahaa oo lagu magacaabo Sheikh Nimr’
Shiicada yar iyo suniyiinta tirada badan ee dalka kuwada nool ayaa mudooyinkii dambe uu ka dhex jiray qilaaf xoogan iyadoo dhoor jeer weeraro qaraxyo ah lagu qaaday dhoor maasijid oo dalka sacuudiga ku yaala.

