Ubax Tahliil oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay Al-shabaab kaliya iney san aheen cida ka danbeysa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada muqdisho.
Xildhibaanad Ubax Tahliil ayaa tibaaxday iney jiraan gacmo kale oo doonaya duminta siyaasada Soomaaliya, waxeyna intaa ku dartay ineysan kuwaa rabin dalka inuu hormar ku talaabsado.
Dhanka kale xildhibaanada ayaa sheegatay iney socdaan baaritaano lagu hayo dadkaasi oo aysan sheegin cida ay yihiin, balse ay sheegtay iney jiraan daba gal lagu haayo shaqsi yaadkaasi.
“Waxaa la baarayaa nimanka qalqalka sameynaya ma’ahan Shabaab waa dad raba inay dumiyaan siyaasadda Somaliya inay dib u dhigaan, horumarka socda, ciidanka Somaliya shaqadiina haysta oo wixii la idiin daro qabta oo umadda Somaliyed u adeega, hiil ma doonayno hiilka joojiya.” Ayeey tiri X/Ubax.
Xildhibaanad Ubax Tahliil ayaa gaba gabadii fariin u dirtay madaxda ugu sareysa Somaaliya, iyo laamaha amaank, kuwaasi oo ay ugu baaqday iney dhax dhaxaad ka noqdaan, khilaaf siyaasadeed ee muuqda, dhanka ciidanka amaanka ay fartay iney san ku mashquulin siyaasada oo waajibaadkooda ay kaso baxan.

