Akhriso:-Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Magacaabay Guddi 7 xubnood ah

0

Sida idaacadda Simba ay u sheegeen ilo lagu kalsoonan karo guddoomiyha Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa magacaabay Guddi waan-waan oo ka kooban 7 xubnood.

Shaqada Guddiga ayaa noqon doonta in ay la kulmaan guddi kale oo ka kooban 7-xubnood oo ka imaan doona dhanka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaliya iyo Xildhibaanada mooshinka wada.

Xubnaha uu Jawaari Magacaabay waxaa kamid ah Xildhibaan Abdulkadir Osoble, Xildhibaan Beene Beene, Xildhibaan Sacdiyo, Xildhibaan Fowsiya Shiekh, Xildhibaan Xassan Yare, iyo xildhibaan magaciisa aan la shaacin.

Dhanka kale wakiilada beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa walaac ka muujiyay khilaafka xiligaan taagan, waxayna Madaxda dowladda Soomaliya u soo jeediyeen in khilaafka lagu xaliyo dastuurka ama wado kale oo isu tanaasul ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here