Deg Deg:- Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhaw Ka Dhacay Muqdisho

0

Qarax ismiidaamin ah ayaa Goordhaw waxa uu ka dhacay magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Qaraxa gaari ayaa ka dhacay agagaarka hotel saxafi ee wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. halkaasi oo bar koonarool ay ku leeyihiin ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Lama oga cida rasmiga ee qaraxa ismiidaaminta ahaa lagu weeraray, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa, goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay iney maqlayaan rasaas, walow aysan kala garan Karin cida rasaasta furaysa iyo bartilmaameedka rasmiga ee Qaraxa.

waxaa kusii qul qulaya goobta uu qaraxa ka dhacay gadiidka Ambalaasta ee gurmadka deg dega , si halkaa ay kaga soo qaadaan hadii ay jiraan dad dhimasha iyo dhaawac ku noqday qaraxa Ismiidaaminta ah.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here