Madaxweynaha Puntland Daahfuray Shirka isla Xisaabtanka Golaha Wasiirada Puntland

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka  subaxnimadii hore 02-Jan-16 daah furay shirka isla-xisaabtanka hay’adaha Puntland shirkaas oo ah mid sannadle ah oo sannadkiiba mar laqabto si bulshadu ay u ogaato ballanqaadyadii ay dawladdu u samaysay waxa qabsoomay iyo waxa aan qabsooni iyo sababta.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay barnaamijkani inuu ku qotomo sidii ay bulshada iyo dawladdu ukala warqabi lahaayeen maadaama cidda ay dawladdu u adeegayso ay tahay bulshada Puntland.

“waxa loo shaqaynayaa waa dadweynaha reer Puntland, waxaa waajib ah in shacabka iyo dawladdu isu muuqdaa, shacabku waa inay arkaan waxa u qabsoomay xukuumadda  iyo waxa aan uqabsoomin”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha  Puntland ayaa tilmaamay cidda leh qiimaynta rasmiga ah ee ku saabsan wax-qabadka dawladda  inay yihiin dadweynaha Reer Puntland balse aanay ahayn xukuumadda dhexdeeda, taasina ay tahay sababta keentay qabashada shirkan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in ka-madaxweyne ahaan ay ukala qiimaysan yihiin wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee daeladdu isla markaasina uu  ogyahay wasaarad walba waxa ay qabatay iyo waxa ay ka-gaabisay iyo sababta balse uu doonayo in shacabkuna ay lasocodaan maadaama ay iyagu leeyihiin qiimaynta kama dambaysta ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso Furitaanka shirka

IMG_0155 IMG_0145 IMG_0099 IMG_0086 IMG_0033 IMG_0027 IMG_0022 IMG_0012

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here