Macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa aaminsan in kooxda Atletico Madrid ay xili ciyaareedkaan ay tahay kooxda kula dagaalami karta hanashada Horyaalka dalka Spain ee Liga inta laga gaarayo dhamaadka Horyaalka,
Diego Simeone kooxda uu Hogaamiyo ayaa xili ciyaareedkaan ku dhibco ah kooxda ku guuleystay xili ciyaareedkii Hore Horyaalka dalka Spain ee Barcelona oo hal kulan uu baaqi u yahay, sidoo kale labo dhibic oo nadiif ah ayay ka sareeyaan kooxda Real Madrid.
Macalinka reer Spain Luis Enrique oo saxaafada hadal kooban siiyay ka Hor kulanka kooxda Espanyol ayaa sheegay in ay kooxda Atletico Madrid ay tahay kooxda kula dagaalami karta hanashada Horyaalka dalka Spain.

