Faah-faahin:- Qaraxa ka dhacay Maqaaxida The Village

0

Sida ay sheegayaan wararka haatan naga soo gaaraya agagaarka Hooyooyinka  gaaar ahaan Maqaaxida The Vilage  ayaa  Tilmaamaya in qaraxa ka dhacay goobta uu ka dambeeyay wiil dhalinyaro ahaa oo waxyaaabaha Qarxa Isku soo xiray oo goobta isku qarxiyay,

Wiilka ayaa la sheegayaa in uu soo galay Maqaayada The Vilag, wuxuuna fariistay meesha dadka Shaaha caba ay fariistaan sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah wariyaashii ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay,

Dhanka kale Lama ogo  Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay Maqaaxida The Vilage  , inkastoo markii uu qaraxa dhacayay maqaayada ay fadhiyeen dad kala duwan.  oo goobta ka cunteenaayay,

Maqaayada The Vilage   oo ku taala  Guriga Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne ee Gobolka Banadir  ayaa waxaa fariista dadka Dowladda qaybaheeda kala duwan u shaqeeya iyo Suxufiyiinta,

Wixii kusoo kordha warka qaraxa kala soco simbanews.com 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here