Dowladda Mareykanka oo War Kasoo Saartay Duqeyn Lagu Fuliyay Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka waaxda u qaabilsan hawlgalada Afrika ee (Africom) ayaa sheegtay in weerar dhanka cirka ahaa oo ay ka fuliyeen bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan meel u dhaw Degmada Ceel-Buur ay ku dileen 5 dagaalame oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Weerarka waxa uu dhacay maalinimadii Axadda, waxaana fuliyay ciidamada mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya, ayadoona wax khasaaraha aysan kasoo gaarin dadka shacabka ah ayaa lagu yiri war ka soo baxay Africom.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri dowladda Mareykanka waxa ay sii wadi doontaa weerarada ay la beegsanayso Al-Shabaab si ay u difaacaan muwaadiniinta iyo si meesha looga saaro qatarta markasta ka imaan karta Al-Shabaab.

Laba sarkaal oo katirsan ciidamada sirdoonka ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in bartilmaamaydka duqayntaasi ay ahayd gaari ay saarnaayeen saraakiil katirsan Al-Shabaab oo halkaasi marayay, ayagoona intaasi sii raaciyay in dadka weerarkaas ku dhintay ay ka mid ahayd Haweenay.

Inkastoo Xarakada Al-Shabaab, aysan war ah kasoo saarin sheegashada Mareykanka, haddana Al-Shabaab waxa ay horay u sheegeen in weerarkaasi ay ku geeriyoodeen laba ruux oo rayid ahaa.

Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay weerarada dhanka cirka ah ay la beegsanayso Al-Shabaab ayagoona tan iyo sanadkii lasoo dhaafay fuliyay in ka badan 10 weerar oo dhanka cirka ahaa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here