Maamulka KGS oo Sheegay in Ay Qabteen Al-Shabaab Miino Aasayay+Dhageyso

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa ku waramaya In Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay gacanta Ku dhigeen Rag ka tirsan Al-shabaab oo Miino ku aasayay Wadada Xiriirisa Daynuunaay Iyo Magaalada Baydhabo.

Ragaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa iyo 2 labo ruux ayaa Ciidamadu waxa ay keeneen Xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar (Gacmo) oo La hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ragani laga soo qabtay duleedka Degaanka Daynuunaay Islamarkaasina Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa iyo Kuwa Maamulka Koonfur Galbeedba ay ugu dambeyntii ay Qarxiyeen Miinadii Ragaasi ay Duugayeen

Inta badan Ciidamada itoobiya ee ku sugan Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xilliyada ay rabaan In ay u socdaalaan Degaan kale ay la kulmaan Miinooyinka nuuca lagu hago Ramuud Kortoroolka oo Al-shabaab La bartilmaameedsadaan halkaasi Ciidamada itoobiya Khasaaro kasoo gaarto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here