Meydadka Rag Al-Shabaab ahaa oo Lagu Soo Bandhigay Buulo-mareer+Sawirro

0

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose kusoo bandhigay meydadka in ka badan 66 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

Goobta lagu soo bandhigayay Meydadkaan ayaa waxaa goob joog ahaa Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika Amisom.

Abaanduulaha Ciidamadda xoogga dalka soomaaliyeed Jeneraal C/laahi Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay toogteen shaabaab-kii weerarka ku qaaday Saldhiga AMISOM ee deegaanka Buulo-mareer.

Waxa uu  sheegay in dagaalka lagu dilay ku dhawaad 66 shabaab ahaa, kuwaasi oo hada meydadoodka ay yaalaan degaanka Buulo Mareer.

Dhanka kale Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cabdul Casiis Abuu Muscab, ayaa Tv’ga Al-Jazeera u sheegay in dhankooda ay ka dhimatay 14 ruux, halka uu ku sheegay Askarta Amisom ay weerarkaas kaga dileen in ay gaarayaan 59 Askari oo u badan ciidamada Uganda, wallow Amisom ay sheegteen in weerarkaas ay kaga geeriyoon 4 askari iyo dhaawca 6 kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here