Matalaha Madaxwaynaha midowga Afrika, ahna madaxa ciidamada Amisom Francisco Madeira, ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom, qaabkii ay iskaga difaaceen xarakada Al-Shabaab oo shalay weeraray fariisimo ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Hoose.
Francisco Madeira, ayaa yiri Ciidamadeenu waxa ay u dagaalameen si adag waxa ayna ku guulaysteen in ay iska caabiyaan xarakada Al-Shabaab oo weeraro ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada Amisom ku lahaayeen Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelada Hoose.
Afhayeen u hadlay ciidamada Amisom, ayaa sheegay in weerarkii shalay ay Al-Shabaab kaga dileen ku dhawaas 30 askari, asagoona intaasi sii raaciyay in ay ka gubeen 8 Baabuur oo laba kamid ah ay saarnaayeen waxyaabo qarxa kuwaas oo ay wateen xarakada Al-Shabaab.
Dhanka kale Afhayeenka xaraka Al-Shbaab Sheekh Cabdul Casiis Abuu Muscab, ayaa Tv’ga Al-Jazeera u sheegay in dhankooda ay ka dhimatay 14 ruux, halka uu ku sheegay Askarta Amisom ay weerarkaas kaga dileen in ay gaarayaan 59 Askari oo u badan ciidamada Uganda, wallow Amisom ay sheegteen in weerarkaas ay kaga geeriyoon 4 askari iyo dhaawca 6 kale.
Weerarada xarakada Al-Shabaab, ay la beegsanayeen fariisimaha ciidamada Amisom, ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay sii xoogeystay ayadoona la ogsoon yahay in weerarkii xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen horaantii bishii Maarso Degmada Balcad ay ku sheegteen in ay ku dileen illaa iyo 60 asakari oo Amisom katirsanaa.

