Abuu Muscab:- “Waxaa Naga Dhintay 14 Askari Waxaana Xasuuqnay 59 Yugandheys Ah”

0

Taliska howlgalka Al-shabaab ayaa war kasoo saaray saaray weeraro xoogan oo maanta ka dhacay saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buula Mareer  ee Goablaka Shabeellaha hoose.

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney askartii Al-shabaab ee weerarka qaaday ay dileen in kabadan 59 askari oo katirsanaa jiray ciidamada Amisom gaar ahaan askarta ka socota dowladda Ugandha.

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa xaqiijiyay iney geeriyoodeen 14 katirsanaa dagaalyahanada Al-shabaab ee weerarka xoogan ku galay xerada ciidamada Amisom ay ku leeyihiin degmada Buula Mareer.

” Abuu Muscab “59 Askari Yugaandheys Ah Ayaan Ku Dilnay Weerarkii Buula Mareer, dhanka Shabaab waxaa dagaalka kaga dhintay 14-askari, ”. ayuu yiri Abuu Muscab Afhayeenka askarta Al Shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegay iney weerarka koowaad ku qaadeen saldhigga AMISOM ee Buula Mareer, weerarka labaadna ay u adeegsadeen Ismiidaamin lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo kasoo gurmanayay deegaanka Golweyne, halka weerarka sadaxaad oo loo adeegsaday madaafiic, in lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Qoryooleey iyo labo saldhig oo kuyaal deegaanada Danoow iyo Maryan Gubaay.

Wali wax war ah kama sooo bixin Taliska Ciidamada Amisom ee Gobalka Shabeellaha hoose oo ku aadan weerrada Al-shabaab ay guulaha kaga sheegteen sida ay ku baahiyeen warbaahinta afkooda ku hadasha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here