Soomalida Mareykanka oo Ka Walaacsan Musaafurinta Lagula Kacayo Dadka aan Sharciyesneyn

0

Isbuucii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii dowladda Mareykanka ay soo musaafurisay in kabadan 100 muwaadin oo ukala dhashay wadamada Soomaaliya, Kenya, iyo Koonfurta Suudaan dadkaas oo badankood ahaayeen Soomaali.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa horay amar ugu bixiyay in lamusaafuriyo dhamaan dadka sida sharci darada ah ujooga gudaha dalkaasi Mareykanka, taas oo walaac farabadan ku beertay Soomaali farabadan oo ku sugan dalka Mareykanka.

Qaar katirsan Soomaalida ku nool magaaladda Miniyaabulis ee Gobolka Minesota, oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin musaafurinta dadka aanan haysanin sharaciga dalka Mareykanka, wallow dowladda mareykanka ay sheegtay in dadka lamusaafuriyay kali ah aysan ahayn dadka sharci daro ku joogay dalkaas ay sidoo kale ahaayeen dad dambiyo kala duwan kagalay dalka mareykanka.

Qaar katirsan soomaalida ku nool mareykanka ayaa joogay sanado farabadan ayagoona haysanin illaa iyo haatan sharciga dalkaasi, qaarkoodna waxa ay sheegayaan in aysanba dacwoon Karin laamaha socdaalka, oo ay ka baqayaan in laqabto.

Daraasado lasameeyay ayaa lagu ogaaday in 2,134 ruux laga soo musaafuriyay dalka mareykanka sanadkii la soo dhaafay oo kali ah,  kuwaas oo  ka soo jeeda wadamada saxaraha ka hooseeya.

Intii uu ku jiray ololaha doorasho ayuu madaxwaynaha haya talada mareykanka Donald Trump, waxa uu balanqaaday, in uusan dalka mareykanka u ogolaan doonin muhaajiriinta sida sharci darada ah ku jooga mareykanka, taas oo haatan u muuqata mid uu wado fulinteeda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here