Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa fahfaahiyay sababta ka dambaysa baaqashada Kulankii Baarlamaanka.
Jawaari ayaa sheegay in Kulankii maanta dhici lahaa loo hakiyay si xal loogu helo Xiisadda iyo Khilaafka ka dhex-taagan Xildhibaanada Gollaha Shacabka,islamarkaana ay aqbaleen in wadahadal laga furo xiisadda taagan.
Jawaari ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay la qaataan go’aankiisa ku aadan aqbalaadda waan-waanta Madaxweynaha uu wado.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaliya ay ka sugayaan Xalka Mooshinka.

