Yey u Dhaxeysaa Xiisada Dagaal Oo Ka Taagan Maanta Magaalada jowhar

0

Waxaa laga dareemaya magaalada jowhar xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamo taabacsan madaxweyne ku xegneenka maamulka hirshabelle Cali Guud-laawe Xuseen iyo ciidamada militaryga dowladda soomaaliya ee ku sugan magaalada jowhar ee xarunta maamul gobaleedka hirshabelle.

Xiisadaan ayaa ah mid soo bilaabatay maalintii shalay eheyd markaa oo iska hor imaad uu Dhexmaray labada ciidan ee xiisadu ay manta u dhexeyso iyadoona  dagaalkii shalay dhexmaray labada dhinac  uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Jowhar oo Idaacadda Simba la hadlay wexey sheegeen Iney ka cabsi qabaan in xiisadaan ay dirir isku badasho taa oo ay ka dhalan karto in dhibaato ay Kasoo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaaladaasi

Dhanka kale waxaa xiisadaan mid nasiib darro ah ku tilmaamay xildhibaanada maamulka Hirshabeele.

Xildhibaan Cabduqaadir Faarax Shuutaale oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele oo Idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay iney arintaan tahay guul darro isagoona ugu baaqay labada ciidan saraakiisha hogaamineysa in ay ku dadaalaan in markale ay ku dagaalamaan gudaha magaalada Iyo dadka rayidka ah dhexdooda.

Masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeele waxgarad iyo Odayaasha dhaqanka ayaa kala dhexgalay Labada ciidan kuwaasi oo ku dadaalaya iney kala qaadaan ciidanka sida gaarka ah u hoostaga Madaxweyne ku xigeenka maamulka iyo kuwa Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here