Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta xirey qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ee Magaaladda Muqdisho .
Goobjoogayaal ayaa Simba u xaqiijiyay iney xiran yihiin wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, ciidama dowladda gar ahaan kuwa booliska iyo nabad sugidana ay dhooban yihiin wadooyinka, kuwaa oo u diidaya gaadiidka iney maraan Isgoysyada sido kale waxaa shacabka ay maalayeen cagtooda, maadaama aynan jirin gadiidka PL-ka loo yaqaan oo ka shaqeynaya wadooyinka muhiimka ee magaalada muqdisho.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Idaacada Simaba u sheegayay iney maanta xiran yihiin Isgoysyada Howlwadaag, Aadan Cadde Foloronzo, Geed jaceyl, Aadan Cadde, , Bakaaraha iyo wadooyin kale o gala aagagaarka Wadada weyn Makka Al-Murrama ee Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Isgoysyadaan waxaa lagu arkayaa ciidamadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaliya, iyo kuwa Booliska oo gaadiidka dadweynha u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas.
Sababta loo xirey Wadooyinkaan ayaa ilaa iminka la ogeen, lakin waxaa magaalada muqdisho caadi ka noqday in ciidamada Amaanka saraakiisha ka sareysa ay kusoo amraan in la xiro isgoys hebel, taasi oo inta badan shacabka ay ku macneyeen inaan loo tureen, dowladda ay fulineyso waxii danaheeda ah.

