Xaalada Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo Saakay dagan

0

Wararka saakay ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobola hiiraan ayaa ku waramaya in xaalada Galbeed Magaalada Magaaladaas ayaa Dagan Tahay kadib markii subaxnimadii shalay ay ku dagalaameen meeleeshiyo beeleed wada-daga- Halkaas,

Dadka Magaalada Beledweyne oo saakay aynu la xariirnay ayaa inoo sheegay in xaalada ay  saakay tahay mid aad u dagan aanan la maqleen wax rasaas ah ay isku  ridayaan ciidamada meeleeshiyo beeleedka ku dagaalamayay  Galbeed Magaalada Beledweyne,

Dhanka kale odoyaasha Magaalada Beledweyne iyo waxgaradka  ayaa ku Howlan xalinta dagaalka mar kale kusoo laabtay Galbeedka Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan,

Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya ayaa dhankiisa ku baaqay in la joojiyo dagaalka mar kale dib kaga qarxay  Galbeed Magaalada Beledweyne iyadoona maamulka uu sheegay in lagula xisaabtami doono ciidii dib u bilowday dagaalka,

Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Beledweyne heshiis lagu kala dhaxdhigay maleeshiyo beeleedka mar kale ku dagaalamay Galbeed Magaalada Beledweyne waxaana heshiiska goob-joog ka ahaa  xiligaas wasaarada amniga Gudaha xukuumadda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here