Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xaruunta Gobalka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Alshabaab ay weerar culus oo dagaal ah ku qaadeen ciidamo katirsan ka tirsan kuwa maamulka Axmed Madoobe oo kasoo baxay deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.
Dagaalka markii muddo kooban socday ayaa la sheegay in ciidamada Kenya dib ugu laabteen saldhigii ay kaga sugnaayeen deegaanka Buulo gaduud.
Dhanka kale ciidamada Al-shaabab waxey weerar qorsheysan ku qaadeen bar koontar oo ciidamada Maamulka Jubballand u taalay deegaanka Khaam-khaam ee duleedka Kismaayo,waxaa weerarkaasi ku wax yeeloobay ciidamo katirsan kuwa maamul gobaleedka Jubbaland.

