War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee ku leedahay Soomaaliya ayaa lagu cambaaray yay qaraxii ugu danbeeyay ee ka dhacay caasimadda muqdisho gaar ahaan isgoyska sayidka.
“Qaramada Midoobay waxa ay tacsi u diraysaa dhamaan Eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku ku baxay qaraxaas anagoo u rajaynayno in ay si deg deg ah u bogsadaan dadkii uu dhaawaca ka soo gaaray qaraxaas” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ee Muqdisho.
Shalay galab ayay ahayd markii qarax loo adeegsaday Baabuur uu ku dhacay isgoyska sayidka kaas oo ay ku geeriyoodeen illaa iyo 4 ruux, ayadoona uu dhaawac ka soo gaaray dad kale oo goobta ku sugnaa.
Masuuliyadda Qaraxii ugu danbeeyay ee ka dhacay caasimadda Muqdisho gaar ahaan isgoyska sayidka ayaa waxaa sheegtay xarakada Al-Shabaab oo ka dagaalanta qaybo farabadan oo Soomaaliya katirsan, ayagoona sheegatay in ay ku dileen illaa iyo 13 askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Muqdisho ayaa wajahaysay baryihii u dambeeyay Qaraxyo cul culus xilli masuuliyiinta ugu sarayso dowladda lagu eedeynayo in ay ku mashquul sanyihiin Mowshinno, taasna ay sababtay in labeelihiyo masuuliyadii shacabka.

