Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso.
Ajandaha kulankaas ayaa ah Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Muudey ayaa dhamaan xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliyaee aan ku sugneyn magaalada Muqdisho faray in ugu dambeyn kusoo galaan Muqdisho maalinta Khamiista ah oo ku beegan Maarso 29-keeda 2018.


