Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa waxey maanta xukun ku riday eedeysanayal lagu sheegay iney katirsan yihiiin xubnaha Al-shabaab u qaabilsan qaraxyada.
Maxkamada oo u fariisatay dacwada eedeeysanayaasha 17-kii Bishan, kuwaa oo lagu kala magacaabo Maxamed C/raxmaan Maxamuud oo 30 jir ah, Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan, waxaana lagu soo eedeeyay iney katirsan yihiin Al-shabaab qeybta qaabilsan farsameynta qaraxyada.
Maxamed C/raxmaan Maxamuud ayaa maxkamadda waxa ay ku eedeysay inuu ahaa madaxii qaraxyada wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, waxaana la sheegay inuu yahay maxamed qabiir macalin ku ah dhanka farsameynta qaraxyada barana ragga kale ee Al-Shabaab ka tirsan isku daba ridka walxaha qarxa.
Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa labada ruux ee lagu eedeeyay in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin, waxey kasoo kaxeeyeen Haan ay ka buuxaan walxaha qarxa oo ay ku taal deegaanka Ceelasha.
Maxkamadda darajada 1-aad ayaa Maxamed C/raxmaan ku xukuntay xabsi daa’in,iyada oo labada wiil ee kala ah, Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan , ku xukuntay min 10 Sano oo xabsi ciidan ah.
Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyha Maxkamadda darajada 1aad ayaa waxuu saakay kaga hor dhawaaqay xukunkaas gudaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida.

