Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa ku waramaya in gaari waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen uu ku qarxay deegaanka Siinka dheer.
Gaariga ayaa wuxuu ku qarxay meel aan ka fogeyn Koontaroolka gaadiidka ay ka soo galaan.
Sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha amaanka Gaarigaan ayaa isku dayayay inuu maro waddo qardo jeex ah, isaga oo ka cararaayay inuu soo maro Koontaroolka deegaanka Siinka dheer.
Sida idaacadda Simba ay u xaqiiyeen dadka deegaanka qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay dadkii saarnaa.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu doonayay in uu soo galo gudaha Magaalada Muqdisho.
Koontaroolka Siinka dheer ee gaadiidka ay ka soo galaan dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, ayaa aad loo adkeeyay Mudooyinkii dambe.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

