Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha Ammaanka dalka, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa dhinacyadii uu la kulmay waxa uu kala hadlay,sidii loo sal dajin lahaa siyaasadda dalka, iyo amniga Caasimadda Soomaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo kadib tagay Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya Villa Soomaliya galinkii dambe ee shalay,kadib markii uu muddo todobaadyo ah uu hoy iyo xafiis ka dhigtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya.
Ugu horeyntii kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliyaa ayaa loogu hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka Golaha shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Xildhibaanadii uu la kulmay u cadeeyay in arrimaha taagan ee khilaafka loo maro dhanka sharciga.
Dhanka kale Madaxweyne farmaajo ayaa Hay’adda amaanka ka dalbaday in laga shaqeeyo sugida amniga Dalka.
Farmaajo ayaa wali cadeynin mowqifkiisa ku aadan Xiisadda Baarlaamanka Soomaaliya iyo Xukuumadda ,iyadoo intuu uu ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga uu la kulmay dhinacyo kala duwan, sida guddigii Aqalka Sare, Guddi ka socday Xildhibaanada Haweenka, Ra’iisul Wasaaraha, Jawaari iyo xubno kale waxaana inta badan kulamadaas looga hadlayay xal u helida khilaafka Hey’addaha Fulinta iyo Sharci dejinta.

