Aqalka Sare oo Guddi Magacaabaya Weerarkii Lagu Qaaday Hoyga Sanotor Cabdi Qeybdiid

0

Xildhibaanadda Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeelan doonaan xaruntooda Magaaladda Muqdisho.

Golaha aqalka Sare ayaa maanta guddi u saari doona Weerarkii lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho.

Guddiga la magacaabi doono ayaa la sheegay in la siin doono muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban kadib ay ku dhawaaqi doonaan natiijadda baarista kiiska.

Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 1-aad  Xildhibaanaddda aqalka Sare ayaa ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiska weerarka, kadib markii Sanator Qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneyn guddi uu horay u magacaabay Madaxweynaha .

Bishii December ee sanadkii 2017-kii Ciidamo la sheegay in ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa weerar ku qaaday Hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here