Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobalka gedo ayaa ku warmaya in cutubyo katirsan ciidama militariga dowladda kenya oo wata gadiid fara badan oo ay ku jiraan taangiyo iney gaareen magaalada, kuwaa oo la sheegay in uu ujeedkooda salka ku hayo dharbiga laga dhisayo xuduuda ay sheegatay dowladda kenya iney la wadaagto Soomaaliya.
Dadka ku dhaqan magaalada baladxaawo oo la hadlay ayaa idaacada simba sheegay iney arkayaan gadiid fara badan oo ay isticmaalayaan ciidamo ka socda dowladda kenya, kuwaa oo gaaf wareegayaan gudaha magaalada baladxaawo ee gobalka gedo.
“Shacabka qaarkiis waxaa lagu sameynayaa jirdil, qaarna waxaa lagu kala eryay rasaas nool nool, maamulka degmada wagii hore shacabka ayuu ku saf ahaa, balse hada wuu ka amusan yahay fara galinta ay nagu hayaan ciidamada kenya, sida uu Simba u sheegay mid kamid ah dadka ku nool M/Baladxaawo.
Nabadoon idiris oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay isku diyaarinayaan, iney sii anba qadaan dhismaha darbiga kenya ay ka dhiseyso inta udhaxeysa Beladxaawo iyo Mandheera.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dadka deegaanka qaarkood ay sameynayaan barakac, xalada degmada baladxaawo na ay sakay tahay mid cakiran, maadama ay buux dhaafiyeen ciidamo fara badan.
Maamulka degmada baledxaawo oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa diiday iney ka war bixiyaan dhaq dhaqaaqa ciidama kenya ay ka wadaan gudaha magaalada, kuwaa oo shalay xitaa rasaas ay ku fureen ay waxyeelo kasoo gaartay shacabka baledxaawo ee kasoo horjeeda dhismada darbiga.
Ilo hoose oo xog ogaal ah laguna kalsoonan karo ayaa Simba u xaqiijiyay in maamulka degmada lagu qanciyay iney faraha kala baxaan dhismaha derbiga dowladda kenya ay dhiseyso xuduuda Soomaaliya.
Shalaya ayaa sidaan oo kale dadka deegaanka waxey dhigayeen Banaanbax ay ku diidan yihiin falkan, Banaanbaxyada ayaa waxaa xigay Barakac ay sameynayaan shacabka halkaasi ku nool, sido kale waxaa jiray dad ku geeriyooday rasaas ciidama kenya ay ku ridayeen dadka sameynayay banaanbaxaasi.

