War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si xoogan u cambaareysay qaraxan, wuxuuna Imaaraadka dadkii dhintay Alle uga baryay inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, isaga oo caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay.
Dhanka kale Imaaraadka ayaa sheegay in Al-shabaab aysan marna dooneyn in ay noolaadaan shacabka Soomaaliyeed, taas bedelkeeda ayuu wadamada Beesha Caalamka ka dalbaday in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya, si meesha looga saaro Xogaga Alqaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab.
dowladda Sacuudi Carabiya ayaa muujisay cambaareyn xooggan oo ku aadan qaraxii ka dhacay ka soo horjeedka Hotelka Wehliye ee ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka ee muqdisho.
Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, wuxuuna Sacuudigu sheegay inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.
Afhayeen u hadlay Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada qarixii shalay wuxuuna ku sheegay ilaa 17 ruux halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xaruumaha caafimaadka ee ku yaal gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa oo ay sheegtay iney ku bartil-mameedsatay isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil Ciidan.xildhibaanno iyo siyaasiyiin katirsan dowladda Federaalka, sida lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab.
Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxu uu sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray saraakiishii bartilmaameedka ahaa. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xogaga Al Shabaab.

