Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Laga Wacyigelinayo Kansarka Ku Dhaca Min-dhicirka

0

Bishan oo kale Sanad kaste waxaa waddanka Maraykanka laga xusaa xannunka Kansarka ee ku dhaca mindhicirka, kaa oo la sheegaya in uu yahay nooca labaad ee Kansarka ee ku dhaca dadka Maraykanka.

Shacabka ayaa waxaa wacyigelin loogu sameeyaa bishan goobaha caafimaadka, iyagoo lagu dhiirigeliyo in ay cudurkaasi iska baaraan oo aysan yareysan.

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota, ayaa sannadkan ku qabatay wacyigelntaasi cisbtaal ku yaalla xaafadda ay ku badan yihiin muwaadiniinta Soomaali Americanka.

Dr. Cabdifataax Aadan Xaaji, wuxuu ka tirsanyahay waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota, oo la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay sabaha ay wacyigelinta ugu sameynayaan soomaalida.

“Sababaha aan uga wacyi galineyno, waa iney sameyaan ka hor tag, maadama Kansarka ee ku dhaca mindhicirka inuusa laheen astaamo badan oo lagu garan karo, balse ka hor tag badan ay sameyaan, waxuu ku dhacaa inta badan kansarkaasi dadka inta badan da’daweyn” ayuu yiri Dr. Cabdifataax.

Kansarka ee ku dhaca mindhicirka ayaa inta badan soomaalida qaarkood ay la daala dhacaan iyaga oo aan garan waxa haya inuu yahay cudurkaas, waxaana sababa inta badan isticmaalka hilibka gaduudan, oo aan lala isticmaalin qudaarta, taana ay usii raacsan tahay ineysan la imaan baritaan dhaqtar ay tagan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here