Khilaaf ka taagan halka lagu qaban doono mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shekh Cismaan Jawaari xilli gudoomiyaha mooshinka laga keenay ee Jawaari uu beesha caalamka ka dalbaday in cod bixinta lagu qabto meel ka baxsan Guriga Umada oo ay golaha shacabka ku shiraan.
Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo kamid ah Xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay barnaamijka bartilmaameedka ee ka baxa idaacada Simba ayaa sheegay in guuluhu ay meel ku dhac ku noqoneyso hadii kulankaasi uu meel ka baxsan xarunta golaha shcabka lagu qabto Jawaarina ay gaf iyo meel ka dhac ku tahay waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur.
Gudoomiye Jawaari ayaa dhawaan aqbalay mooshinka laga keenay islamarkaana halka ay ka dhaceyso dooda mooshink iyo cod u qaadista ay ka dhacdo meel dhexdhexaad ah oo ay korjoogtayaal caalami ah joogaan si ay marqaati uga noqdaan hanaanka ay wax u dhacayaan.
Teendhada Afisyooni ee ay sanad ka hor ka dhacday doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan la diyaarinayaa, inkastoo aan wali la cayimin xilliga la qabanayo cod bixinta, hadana waxaa la saadaalinayaa in hadii aanay Ciidamada la geeyay xarunta laga qaadin ay adkaan doonto in Jawaari aqbalo in cod bixinta ka dhacdo xarunta Golaha Shacabka ay ku shiraan.
Halka Hoose Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur. SimbaNews.com

